EnglishFrenchArabicSimplified ChineseHindiPortuguesePunjabiSomaliSpanishTamilThaiTwiVietnamese
Community Action Network - An initiative of Locals 175 & 633 UFCW Canada
Community Action Network - An initiative of Locals 175 & 633 UFCW CanadaLocals 175 & 633 UFCW CanadaCommunity Action Network - An initiative of Locals 175 & 633 UFCW Canada
AboutProjectsDownloadsCalendar currently NOT availableContactHome
 

Community Action Network (CAN)
Shabakadda Waxqabadka Bulshadad

Ku Midaysan Kala-duwanaanshaha

Waa hawshayada inaan | Ku Saabsan
Buug-yaraha Kala soo bax Internka | Boorka (poster) kala soo bax Internetka
Qaabka PDF (Adobe Acrobat ayaa loo baahan yahay)

Wixii cusub iyo liistooyooinka mashruuca oo la cusboonaysiiyay ayaa lagu heli karaa kuna qoran oo keliya Afka Ingiriisiga.Haddi aad u baahato war-isgaarsiin ku saabsan Shabaqa Waxqabadka Bulshada (Community Action Network) ama mashaariicdooda, fadlan nagala soo xiriir membership@ufcw175.com ama naga soo wac telefoonkan 1-800-565-8329. Waxaannu ku dadaali doonnaa inaan kugu xirno qof ku hadla luqadda aad dooratid waxaananu ku siin doonnaa macluumaad dheeraad ah.


Waa hawshayada inaan:

  • Xoojinno Ururadayada Degmo iyo heerka adeegga loo fidiyo xubnaha ku jira Ururadayada Degmo annagoo ka ambaqaadayna mabaadi’da hawl u go’doomidda, ixtiraamka, caddaaladda iyo sinnaansho loo siman yahay dhammaan xubnahayaga, annagoo isla mar ahaantaasina matalayna taageeraynana isku-wadidda dhaqamada dadyowga kala duwan iyo kala gooni ahaanshaha xubinnimadayada.

  • Sii wadno xiriirka iyo cilaaqaad la samaysiga kooxaha ururada iyo buslshada kuwaasoo la wadaaga Locals 175& 633 qiyamka, iyo u go’doomidda xubnahayagu ay ka qaybqaataan taageerana ay siiyaan bulshooyinka ka baxsan goobaha shaqada si markaas loo hagaajiyo nolosha dhammaan xubnahayaga iyo ururadayada degmo.

  • Si wadajir ah u ula shaqayno kooxaha bulshada iyo ururada si xubnaha, abaabuleyaasha iyo shaqaalahaba wax looga baro duruufaha iyo qaddiyadaha saamayn ku yeelan kara xubinnimadayada kala duwan oo aan ka caawinno sidii ay horumar u gaari lahaayeen hoggaamiyeyaasha bulsho si ay iyaguna u hagaajiyaan nolosha maalin kasta ee bulshooyinkooda iyo dada ay wada shaqeeyaan.

Kor ku noqo


Ku Saabsan Annaga

Local 175 Guddoomiyehooda ahna Wayne Hanley wuxuu ahaa ninkii aasaasay Shabakadda Waxqabadka Bulshada (Community Action Network) bishii Jannaayo ee sannadkan 2006. Guddigu wuxuu ka kooban yahay shaqaalaha Locals 175 & 633, kuwaasoo ku faana kalsoonina ku qaba dhaqanka iyo caadooyinka ka jira ururada ka jira Kanada.

Qaar badan oo kamid ah waalidiintenna iyo awoowayaasheen ayaa aad ugu soo halgamay si ay u helaan ixtiraamka iyo xaaladaha shaqo ee ay u qalmaan. Xubanah ururaduna waxay qaataan mushaarooyin fiican iyo manfacooyin fara badan maxaa yeelay si koox wadajir ah oo midnimo leh ayay wax u wada qabsadaan.

Midnimada iyo iskaashigu waxay aasaas u yihiin heshiisyo shaqo oo fiican oo la helo. Urur kastana wuxuu u baahan yahay taageerada dhammaan xubnaha ka tirsan goob kasta oo ay ka socoto shaqo.

Dad badan oo ku cusb Kanada ayaan ka warqabin shuruucda u dhigan shaqada iyo shaqaalaha kana jirta dalkan gudihiisa. Maxaa yeelay looma sheegin xaqa ay u leeyihiin in ay samaystaan urur ama midnaba qawaaniina Axdiyada Caadiga Ah ee u degsan Shaqaalaynta (Employment Standards Act regulatios (ESA)’ iyadoo ujeedadda loo dejiyay qawaaniintaasina ay tahay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha Onteeriyo.

Ujeeddooyinka loo abuuray Shabakadda Waxqabadaka Bulshada (SWB) waxa weeye in la mideeyo xubnahayaga iyadoo isla mar ahaantaasina la tixgelinayo kala duwanaanshahooda. Xubno badan oo ka tirsan Locals 175 & 633 ayaa hore uga tirsanaa kooxo ka dhex samaysan bulshooyinkooda. Shabakadda Waxqabadaka Bulshaduna (SWB) waxay si rasmi ah oo sidii hore ka badan ugu xiri doontaa Ururadayada  Degmo kooxahaasi kala duwan ee ka jira Onteeriy gudaheega.

Wixii macluumaad dheeri ah oo aad rabto, fadlan nagala soo xiriir: membership@ufcw175.com

Kor ku noqo


Xarunta Bulshada Haweenka Shaqeeya

Xaruntu waxay kor u qaaddaa waxbarashada caafimaadka, waxayna bixisaa fasallo lagu barto luqadaha iyo adeegyo la xiriira daryeel caafimaad, tababulshe shaqo-geyn iyo meel kooxuhu ay ku kulmaan.

Xilligii guga ee sannadkii 2005-ka, Locals 175 & 633 waxay bilaabeen inay taageeraan ‘On Your Mark’, kaasoo ahaa barnaamij xilli hore faragelin ku samaynaya sidii horumar loo gaarsiin lahaa ubadka ay dhaleen soo-galeetigu loogana gaarsiin lahaa dhinaca xirfadaha akhriska iyo qoraalka.

Barnaamijkan ‘On Your Mark’ waxaa la aasaasay sannadkii 2001 kadib markii la soo saaray warbixin cinwaankeedu uu ahaa Sinaansho la’aanta Jinsiyadaha Kala duwan ee deggan Magaalada Toronto (Ethno-racial Inequality in the City of Toronto), warbixintaasi oo lagu caddeeyay in bulshooyinka ku hadla luqada Boortakhiiska ay yihiin kuwo tiro ahaan ugu badan dadka dugsiyada isaga taga, isla mar ahaantaasina ugu yar tiro ahaan dadka ay ka suurtoowdo inay sii wataan waxbarashadooda jaamacadeed kadib marka ay dhammaystaan kana baxaan dugsiyada sare.

Waxaa kale oo Ururka Degmadu ka qaybqaataa barnaamijka Tababbarka Rootiilaha—ahna mashruuc si wadajir ah ay isaga kaashadaan Xarunta Bulshada Haweenka Shaqeeya (WWCC) iyo Xarunta Haweenka Soo-galeetiga Ah (Immigrant Women Centre). Mashruucani waxa uu ka caawiyaa dadka ka qaybgala inay helaan xirfado shaqo, waxaanu u diyaariyaa inay qabtaan Shaqada Rootiilaha. Ururuka Degmadu waxa uu bixiyaa tababbaro caafimaad iyo mid badbaado, fara-ku-hayn cunto badbaado leh, iyo la lafagurid la lafa-guro khatarta ka imaan karta Goobaha Xakamaynta ee Halista Ah (Hazard Analysis and Critical Control Points -[HACCP] tababbaradaasina waa qayb kamid barnaamijkan Tababbarka Rootiilaha.oo la siiyo ardada ka qaybqaadata barnaamijkan.


Golaha Dimuqraadiga ee Siri Laanka

Tan iyo markii la aasaasay Golaha Dimuqraadiga ee Siri Laanka sannadkii 2001, Ururka Degmadu wuxuu taageerayay dadka u halgama una dooda xuquuqda aadanah kana tirsan golahooda ee jooga Kanada gudaheeda iyo meel kasta oo kamid ah adduunka oo ay kamid yihiin jabhadda Taamilka, Sinhaliiska iyo bushooyinka Muslimiinta ah iyo taageerayaasha aan ahayn Siri Laankiyiin. Kooxdani oo si xasilooni ah ugu halganta una doodda xuquuqda aadanaha waxa ay ku hawlan yihiin sidii loo soo afjari lahaa ku xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee aan la tiring karin ee ka dhaca dalka Siri Laanka gudahiisa iyo in la helo xal nabadeed oo laga gaaro colaadda iyo khilaafka ka taagan dalkaasi.


Dabbaaldegga “Mayworks”

Dabbaaldegga MayWorks And Arts waxaa saldhig u ah inay xoogsatada iyo xirfadleydu ay wadaagaan halgan guud oo ay u halgamaan mushaarooyin fiican iyo xaalado shaqo oo caafimaadqaba oo ay helaan iyo inay sugaan jiritaanka hiddaha iyo dhaqankoodaba. Ahdaafta “Mayworks” waxaa weeye in sare loo qaado danaha xoogsatada iyo xirfadleyda ka tirsan ururada, iyo in hab-nololeedka dabbaqadda shaqaysa laga soo qaado meel hoose lana keeno meel dhexe. Ururka Degmadu waxa uu kamid yahay kuwa ugu waaweyn taageerayaasha  dabbaaldegga “Mayworks”

Guddiga Dugsiyada Kaatooliga Ah ee Degmada Toronto Barnaamijka Dhallinyaraa Khatarta Ku Sugan

Barnaamijkan ‘Dhallinyarada Khatarta Ku Sugan’. wuxuu gacan u fidiyaa ugu horreynta dhallinyarada ku nool aagga Jamestown ee Magaalada Toronto, waxaanu barnaamijkani dhallinyarta u sahlayaa inay ku biiraan kana mid noqdaan xoogga shaqaalaha iyada oo loo furaayo tababbarro waxbarasho. Isaga oo adeegsanaya khadka Internetka, waxaa kale oo uu Ururka Degmadu bixiyaa tababbarro la xiriira caafimaadka iyo badbaadada, kuwaasoo ay kamid yihiin lafaguridda meelaha khatartu ay ka imaan karto iyo xakamaynta heerka khatarta (HACCP) iyo habka wargelina wixii khatar keeni kara kana jira goobaha shaqada (WHMIS) tababbarrodaas oo la siiyo dhallinyarada ka qaybqaadanaysa mashruucan.

Xarunta Horumarinta Bulshada ee “MicroSkills”

Locals 175 & 633 waxaa kale oo ay tababbar caafimaad iyo mid badbaadaba siiyaan dhallinyarada iyo haweenka khatarta ku sugan iyadoo la adeegsanayo barnaamijka loogu magacdaray “MicroSkills Development Centre Outreach Program” Waxaa kale oo barnaamijkani uu diiradda saarayaa aagga ‘Rexdale’ oo deris la ah xaafadda Jamestown.

Kooxaha kale ee aan taageerno waxaa kamid ah:

Chinese Canadian National Council
Coalition of Black Trade Unionists
Centennial Foundation
UFCW Minority Coalition
United Latinos of UFCW

Kor ku noqo

Community Action Network - An initiative of Locals 175 & 633 UFCW Canada
AboutDownloadsProjectsCalendarContactHome